Qarnigan maanta lagu jiro, jaamacaddu ma aha oo keliya meel lagu qaato casharro, imtixaano, iyo shahaado. Jaamacadda casriga ahi waa xarun fikir-dhalis ah, goob hal-abuurka lagu kobciyo, iyo nidaam bulsho oo soo saara dhalinyaro xallin kara dhibaatooyinka nolosha dhabta ah.
Sidee jaamacaduhu u dhisi karaan arday aan kaliya wax xafidsanayn, balse noqda hal-abuurayaal, hogaamiyayaal hormuud bulsho, iyo dad xalal cusub keenaya wax kusoo kordhiya?
Jawaabtu ma aha hal barnaamij ama hal koorso iyo bandhig ganacsi oo qura.
Jawaabtu waxa ay ka imanaysaa nidaamka guud ee jaamacadda sida uu yahay:
- sida wax loo baro ardayda,
- waxa la dhiirrigeliyo,
- cidda la maalgashado,
- sida ardayga loo arko,
- iyo in jaamacaddu isu aragto “meel shahaado bixisa” mise “meel mustaqbal dhista is dhamaystiraya.”
Arday hal-abuur leh lama dhalo oo keliya ee waa la dhisaa.
Jaamacadda saxda ahi waa mid si kalsooni leh u dhista dhaqan hal abuur leh.
1. Hal-Abuurku Maaha Hibbo Keliya Waa Nidaam La Dhiso
Dad badan waxay qalad u fahmeen hal-abuurka. Waxay moodaan in hal-abuurku yahay wax ay leeyihiin dad gaar ah oo “caqli badan” ama “talanti gaar ah leh.”
Laakiin runta ama xaqiiqadu waxa weeye:
Hal-abuurku waa xirfad la tababaro, la kobciyo, lana nidaameeyo.
Arday hal-abuur leh waa arday:
- su’aal is waydiin kara,
- dhibaato arki kara,
- xal soo jeedin kara,
- khalad ka cashar ka baran kara,
- fikrad tijaabin kara,
- oo aan ka baqin in uu bilaabo.
Jaamacaddu haddii ay rabto arday hal-abuur leh, waa in ay ka guurtaa habka waxbarasho ee ku dhisan:
- xifdin,
- ku celcelin,
- macallin keliya hadlaya,
- arday keliya dhageysanaya.
Waa in ay u wareegtaa hab ku dhisan:
- baaritaan,
- dood,falanqayn
- Tijaabinta mashaariic,
- xalinta dhibaatooyin,
- tijaabooyin, ku dhisan tartan
- iyo dhisidda wax cusub.
Arday Alliance Insight
Jaamacaddu haddii ay rabto hal-abuur, waa in ay joojisaa soo saarista arday jawaabaha xafidsan oo ay bilowdaa dhisidda arday su’aalaha/ dhibatadda saxda ah ee bulshadda ka jawaabi kara.
2. Manhajka (Curriculum) Waa In uu Ka Badnaadaa Buug iyo Imtixaan
Jaamacado badan waxay ku faanaan tirada kulliyadaha iyo koorsooyinka ay bixiyaan. Iyo inta qalinjebisay Laakiin taasi keliya waxba ma tarayso haddii manhajku uusan dhisin:
- fikir madax bannaan,
- xallinta mushkiladaha,
- Wada shaqayn,
- isgaarsiin,
- hal-abuur,
- Hogaamin
- Awoodda ardaygu fikraddiisa u rogi karo natiijo qiimo leh.
Jaamacaddu maxay ku dari kartaa manhajka si ay u dhisto hal-abuur?
a) Project-Based Learning (Waxbarasho Ku Dhisan Mashruucyo)
Ardayga ha lagu qiimeeyo mararka qaar waxa uu dhisay, naqshadeeyay, ama xaliyay. Intii lagu qiimayn laha waxa uu xafiday iyo xiisadaha uu xaadiray keliya
Tusaale:
- Arday Business ah → ha sameeyo startup model
- Arday Education ah → ha dhiso student engagement program
- Arday IT ah → ha sameeyo app ama website xal u ah bulshada
- Arday Health ah → ha soo jeediyo community health intervention
b) Problem-Solving Modules
Casharrada qaar ha ku salaysnaadaan dhibaatooyinka jira oo dhab ah:
- shaqo la’aanta qalin-jabiyeyaasha
- tayada waxbarashada
- xirfadaha suuqa shaqada
- hal-abuur la’aanta campus-ka
- Fursadaha Ganacsi ee banan
- adeegyada ardayda
- Caqabadaha jaamacadda,ardayda iyo bulshada haysta
Ardaygu markuu dhibaato dhab ah la tacaalo, maskaxdiisu waxay ka baxaysaa xifdin wuxu u gudbayaa xal raadiye/abuure.
c) Interdisciplinary Exposure
Hal-abuur badani wuxuu ka dhashaa marka fikrado kala duwan is-galaan.
Arday Engineering ka barta waa inuu wax ka fahmo:
- entrepreneurship,
- communication,
- leadership.
Arday Social Science ah waa inuu taabtaa:
- digital tools,
- data literacy,
- innovation thinking.
Jaamacad kala qaybsan oo department walba gooni u xiran yahay ma dhisto hal-abuur culus.
3. Macallinka Waa Inuu Noqdaa Kobciye Hal-Abuur, Maaha Keliya Gudbiye Cashar
Mid ka mid ah khaladaadka ugu waaweyn ee nidaamyada waxbarashada waa in macallinka loo arko qof keliya “cashar gudbiya.”
Jaamacadda horumarsan, macallinka wanaagsan waa:
- mentor,
- coach,
- fikir kiciye/kobciye,
- su’aalo abuure,
- hagaha tijaabada,
- dhiirrigeliyaha in khaladka wax laga barto.
Maxaa la rabaa in macallimiinta lagu tababaro?
- Student centered teaching
- facilitation skills
- design thinking basics
- project supervision
- innovation assessment
- presentation coaching
- reflective learning methods
Haddii macallinka laftiisu ku xiran yahay:
- PowerPoint presentation,
- attendance,
- final exam,
markaas ardayga ma noqonayo qof hal-abuur leh.
Wuxuu noqonayaa qof nidaamka ka gudba laakiin aan wax qabankarin waa mida keentay shaqo la,aanta baddan ee waxbarashada ka dib.
Jaamacad aan macallimiinteeda hal-abuur lahayn ma dhiso karto arday hal-abuur leh.
4. Campus ku Waa Inuu Noqdaa Deegaan Hal-Abuur Lagu Nool Yahay
Hal-abuurku kuma dhasho fasalka oo keliya.
Wuxuu ka dhashaa dhaqanka jaamacadda (campus culture).
Haddii campus ku yahay meel:
- ardaygu ka baqo khaladka,
- fikradaha cusub lagu qoslo,
- leadership-ku yaryahay,
- tartan hal abuur aanu ka jirin,
- Abaalmarin hal abuur lahayn
- Students clubs aan firfircooneyn,
- ardaygu dareemo in codkiisu waxba beddeli karin,
hal-abuurku in uu dhismo iska daaye wuu dhimanayaa ardaygu tiisa ma xalinkaro.
Jaamacaddu sidee bay u dhisi kartaa culture hal-abuur?
a) Innovation Clubs & chalenges
- Entrepreneurship club
- Research club
- Debate & policy club
- Media & communication club
- Tech & coding lab
- Community problem-solving teams
b) Student Challenge Systems
Sanad walba ha la qabto ama labadii sanno:
- Innovation Challenge
- Business Idea Competition
- Social Impact Challenge
- Research Poster Day
- Community Solutions Hackathon
- Graduation Capstone Expo
- Enterpruership demo days
c) “Idea Is Safe Here” Culture
Ardaygu waa inuu dareemaa:
- fikraddiisa in la qiimaynaayo,
- khaladku ceeb ma aha,
- tijaabadu guuldarro ma aha,
- su’aal weydiintu maaha caqli-yari.
- Isku daygu in qiimo leeyahay
Hal-abuurku wuxuu ku koraa amni maskaxeed (psychological safety).
5. Jaamacaddu Waa Inay Dhistaa Xarumaha Hal-Abuurka (Innovation Structures)
Haddii jaamacaddu ka hadasho hal-abuur laakiin aysan lahayn nidaam rasmi ah, inta badan waa hadal qurux badan oo madhan.
maxaa ay jaamacaddu u baahan tahay?
1. Innovation & Entrepreneurship Center system
Xarun rasmi ah oo qabata:
- idea incubation
- startup mentoring
- pitch coaching
- prototype support
- networking with industry
- student venture exposure
2. Career & Employability Office
Arday hal-abuur leh waxaa loo baahan yahay in la baro:
- CV & portfolio building
- freelancing awareness
- internship preparation
- job readiness bootcamps
- interview skills
- digital identity
- Branding & productivity
3. Research & Applied Learning Unit
Ardayga ha loo oggolaado inuu cilmi-baaris ku sameeyo:
- baahiyaha bulshada
- dhibaatooyinka suuqa shaqada
- fursadaha deegaanka
- waxbarashada
- caafimaadka
- maamulka deegaanka
- horumarinta dhalinyarada
4. Community Partnership Desk
Hal-abuurka ugu xooggan wuxuu yimaadaa marka ardaygu la kulmo dunida dhabta ah:
- NGOs
- companies
- municipalities
- hospitals
- schools
- business networks
- innovation hubs
Ardayga aan bulshada la falgelin, wuxuu noqonaya go’doon aan fursad lahayn.
6. Internship-Ku Waa In uu Noqdaa mid Nidaamsan,
Arday theory la baray wuxu la midyahay qoraal qurxoon oo buug ku xardhan field kasta wuxu u baahanyahay practical dhab ah hadii aanay jaamacaddu xiriir lalahayn network intership pipline ah waa in ay ardayga u sheegtaa in uu isagu raadsado sumcadda jaamacaddu waxay ku xirantahay ardayga:
Jaamacaddu maxay sameyn kartaa?
- dhis internship partner database
- diyaari internship readiness training
- ku xiro ardayga mentor
- Udir field internship ku haboon
- Qiimayn samayn kadin intership ka
Hadii aadan samayn karin iskaashi la samay cid kaa caawisa intership connection suuqa hadii aad ku fasaxdo arday maran sumcadda jaamacaddu hoos ayey dhacaysa
Natiijada
Ardaygu wuxuu baranayaa:
- dhaqan shaqo leh
- Khibrad leh,
- xallin kara mushkiladda,
- xiriir dhisan leh,
- masuuliyad leh,
- Hal abuur & hogaamin leh
darasado badan oo caalamiya waxay cadaynayaan in ardayga intership soo mara inta badan shaqo hotay u hello ama hal abuur la yimaado waa afkaar kala duwan ayuu helay
Internship la’aan, hal-abuurka ardaygu inta badan wuxuu ku ekaadaa laabta.
7. Jaamacaddu Waa Inay Abaalmariso Fikirka, Maaha Keliya Darajada
Haddii jaamacaddu abaalmariso oo keliya:
- GPA sare,
- imtixaan fiican,
- attendance,
…waxay si dadban u sheegaysaa:
“Nidaamka raac, laakiin wax cusub ha keenin.”
Jaamacadda hal-abuurka dhisaysa waa inay si cad u aqoonsataa:
- Best Student Innovator
- Best Community Project
- Best Research Application
- Best Student Startup Idea
- Best Social Impact Team
- Best Emerging Student Leader
- Best Problem-Solving Initiative
Abaalmarintu waxay beddeshaa dhaqanka.
Waxay bulshada u sheegtaa:
“Waxaan qiimeynaa dadka wax cusub sameeya.”
8. Hal-Abuurku Wuxuu U Baahan Yahay Hogaamin Ardayeed
Ardayga hal-abuurka leh ma aha oo keliya qof fikrad haya waa leh saamayn sumcadna usoo jiidi kara jaamacadda Waa qof:
- dadka qancin kara,
- fikradda sharxi kara,
- koox hoggaamin kara,
- mas’uuliyad qaadi kara,
- wax ka qaban kara dhibaatooyinka bulshada.
Sidaas darteed, jaamacaddu waa inay si dhab ah u maalgashataa:
- student leadership Network
- student ambassadors programs
- peer mentorship systems
- student department heads
- community service leadership
- student-led campaigns
- student representation in public
ardayga u ogolow in uu is matalo jaamacadda matalo sumcad iyo saamayn abuuro arday fasalka iyo xaafadda u dheexeeya isna wax isma tarikaro bulshada wax kuma kordhinkaro jaamacaddanna sumcad iyo saamayn umasoo celinkaro hadda iyo mustaqbalka
Ardaydu ma aha dad la matalo oo keliya waa dad wax dhisi kara, hoggaamin kara, oo shaqooyin dhab ah qaban kara.
9. Jaamacaddu Waa Inay U Aragtidaa Ardayga “Human Capital,” Maaha Keliya “Enrollment Number”
Jaamacado badan waxay ku mashquulaan:
- admissions,
- tuition,
- semester logistics,
- exam schedules.
Laakiin jaamacadda sare waxay isweydiisaa:
- Ardaygan 4 sano kadib muxuu noqonayaa?
- Suuqa shaqada muxuu ku kordhinayaa?
- Bulshada muxuu ka beddeli karaa?
- Ma noqon doonaa shaqo-doon keliya mise shaqo-abuur?
- Ma noqon doonaa qof amar qaata keliya mise xal-keen?
Ardaygu waa:
- asset qaran,
- human capital,
- future workforce,
- future civic leader,
- future entrepreneur,
- future policy influencer.
Haddii jaamacaddu ardayga sidaas u aragto, hal-abuurku wuxuu noqdaa waajib waayo waxa jaamacddu fahamsantahay faa,iidda.
10. Soomaaliya: Maxay Tani Ugu Tahay Fursad Istiraatiiji Ah?
Xaaladda Soomaaliya, su’aashu maaha oo keliya “sidee ardaygu u helo shaqo?”
Su’aashu waa:
Sidee jaamacaduhu u soo saari karaan jiil abuuri kara shaqooyin, xalal, hay’ado, iyo horumar bulsho?
Sababtoo ah:
- shaqooyinka rasmi ah way xaddidan yihiin,
- baahiyaha bulshada way badan yihiin,
- nidaamyada adeegyada qaarkood wali way korayaan,
- fursadaha digital-ka way sii badanayaan,
- dhalinyaradu waa tirada ugu badan ee bulshada.
Tani waxay ka dhigan tahay:
Jaamacad kasta oo Soomaaliyeed oo si dhab ah u dhista arday hal-abuur leh waxay noqon kartaa engine horumarineed.
Waxay dhisi kartaa:
- dhalinyaro shaqo-abuur leh,
- cilmi-baarayaal xal keena,
- hal-abuurayaal bulshada u shaqeeya,
- ganacsato cusub,
- hogaamiyeyaal akhlaaq leh,
- iyo xirfadlayaal leh aragti qaran.
Doorka Arday Alliance: Maxay Qaban Kartaa?
Inta badan Jaamacaddaha koray waxay leeyihiin lamaane horumarineed( Development partner ) kala shaqeeya horumarinta ardayda iyo koritaanka jaamacadda Arday Alliance waxay u taagantanhay fursadsiinta ardayda iyo kobcinta he’addaha waxbarshada fursadkasta oo ay abuurtana waxa ka faa,iidaysankara ardayda oo keliya taasi waxa ay ka dhigantahay jaamacadda nasoo dhowaysa iskaashi iyo waddashaqayn nala yeelatta wax ay fursad siisay ardaygeeda waxa iskaashi la samaysay ardageeda waxa ay diyaar u tahay in lamaane Partner la noqotay ardaygeeda iskama lihin shaqo kasta oo aan hadda hayno iyo midaan abuurno waxa ay u furantahay oo keliya ardayda maxaan kala shaqayn karnaa?
Waxa aan noqon karnaa:
- student innovation catalyst
- research-to-action bridge
- university partnership platform
- student leadership incubator
- career readiness ecosystem builder
- community impact mobilizer
Arday Alliance waxay fulin kartaa
- Student Innovation chalenges
- Inter-University Idea Competitions
- Research Translation Projects
- Student Leadership Networks
- Employability Bootcamps
- University–Industry Roundtables
- Student Ambassadors & Department Heads Programs
- Community Problem-Solving Challenges
- Alumni Opportunity Networks
- CSR & Banks connections
- Business partnerships
- internship systems
Arday Alliance Insight
Jaamacaduhu waxay bixiyaan waxbarasho. Arday Alliance waxay ka caawin kartaa inay bixiyaan jihayn, fursad, dhaqan hal-abuur, iyo nidaam ardaygu ku koro.
Waxaan aaminsahay haddii la mideeyo aqoonta macalinka/jaamacadda iyo awoodda ardayda waxa la bedelikara caqabadkasta oo hadda jirta they are true change makers
Gunaanad
Jaamacaddu haddii ay rabto inay dhisto arday hal-abuur leh, iyo sumcad ma ku filna:
- slogan,
- seminar hal maalin ah,
- ama “innovation week” sawirro badan leh.
Waxa loo baahan yahay:
- manhaj hal abuur leh,
- macallimiin la tababaray,
- campus culture dhiirrigeliya,
- structures rasmi ah,
- internship nidaamsan,
- hogaamin ardayeed,
- partnership dibadda ah,
- iyo aragti ah in ardaygu yahay mustaqbalka dalka.
Arday hal-abuur leh lama dhiso marka uu qalin-jabinayo.
Waxaa la dhisaa laga bilaabo maalinta koowaad ee uu campus-ka yimaado.
Jaamacadaha dunida ugu saameynta badan waxay soo saaraan wax ka badan shahaadooyin.
Waxay soo saaraan:
- maskaxo wax abuura,
- dad xal keena,
- hogaamiyeyaal bulshada beddela,
- iyo jiil mustaqbal dhisa.
Soomaaliyana waxay u baahan tahay jaamacado noocaas ah.
“Jaamacad weyn ma aha mid qalin-jebisa arday badan oo keliya — waa mid dhista arday fikrad dhalin kara, xal abuuri kara, oo bulshada beddeli kara.”
Uma baahna kharash dheeri ah shaqo badan waqti dheeri waxaa lagu dabakhi karaa howl maalmeedka jaamacadda waxa ay u baahantahay fahamka faa.iidadda ku jirta qorshe iyo ficil is leh oo xirfadaysan keliya
Hadii aad tahay
Jaamacad makuu qorshaysantahay in aad nidaamkan ku salayso he’addada ?
Arday tahay ma jeclaanlahayd in aad hesho jaamacad horumarsan oo dhaqal hal abuur iyo hogaamineed leh si aad u rumayso riyadaada mustaqbal ?
Waxa jira jaamacaddo u diyaara tixgelinta taageeridda baahida ardayda ogow jaamacaddu waxa ay dhisi/rumayn kartaa riyadaada sidoo kale waxa ay dilikartaa riyadaada hagaaji doorashada jaamacadda

